Ibrahima Konaté Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Dhaawac

Daafaca Liverpool ee Ibrahima Konaté Oo Ka Warbixiyay Xaaladiisa Dhaawac Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Ibrahima Konaté ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa Liverpool kadib dhaawacii soo gaadhay.

Ibrahima Konaté ayaa dhaawac uga baxay kulankii Brighton ee horyaalka premier League iyada oo ciyaarta laga saaray qaybtii Nasashada.

Xiddiga Ibrahima Konaté ayaa maanta maray baadhitaan si loo ogaado xaaladiisa dhaawac.

Xiddiga reer France ayaa baraha bulshada ku soo qoray”Wad ku mahadsantihiin fariimaha taageerada, dhaawacaygu ma ahan mid halis ah nasiib wanaag”.

“Maanta baadhitaan ayaan maray waxana la xaqiijiyay in aanu wax jabniin ah jirin, waxa aan diyaar u noqon doonaa kulanka xiga Insha Allah”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga