Ian Wright ayaa sheegay inuu la yaabay xulashada ciyaartoyda ee uu sameeyay Mikel Arteta kulankii finalka Carabao Cup ee ay Arsenal kaga adkaatay Manchester City.
Arsenal ayaa sii waday sugitaanka koob weyn oo ay qaaddo tan iyo 2020, kadib markii 2-0 looga adkaaday Manchester City kulan ka dhacay Wembley.
Waxay ahayd kooxda wax yar ka fiicnayd qaybtii hore ee ciyaarta Laakiin qaybtii labaad si weyn ayay hoos ugu dhacday.
Isagoo hadlayay waqtiga nasashada (half-time), Wright wuxuu sheegay inuu rabay in Gabriel Martinelli uu ku soo bilowdo kulanka ay la ciyaarayaan Manchester City.
“Dhanka Arsenal haddii aan ka hadlo, waxaan ku dari lahaa Gabriel Martinelli kooxda,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay Sky Sports. “Martinelli mar walba wuxuu ka mid noqon lahaa kooxdayda, gaar ahaan maalin sidan oo kale ah oo ka dhacaysa Wembley.”
Be the first to comment