Hugo Ekitike ayaa sheegay in ay tahay “farxad” in uu la midoobo Alexander Isak kooxda Liverpool, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo inuu xilli ciyaareedkan tuso tayadiisa si uu madax-xanuun xagga xulashada ah ugu keeno tababaraha Arne Slot.
Weeraryahanka reer France ee 23-jirka ah, Hugo Ekitike, ayaa bishii July dhamaystiray ku biirista Liverpool isagoo kaga yimid Eintracht Frankfurt, kadib heshiis gaaraya illaa £79 milyan oo ay labada kooxood ka gaareen.
Ekitike wuxuu ka mid ahaa toddobada ciyaaryahan ee cusub ee Liverpool keensatay, iyadoo kooxda horyaalka Premier League ay labo jeer jebisay rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska, kuna qarash garaysay lacag lagu tilmaamay lacag aad u badan oo gaadhaysa 446 milyan oo euro.
Markii uu qalinka ku duugay heshiis lix sano ah oo uu kaga mid noqonayo Liverpool, Ekitike — oo 22 gool u dhaliyay Frankfurt xilli ciyaareedkii hore — ayaa loo arkayay inuu si toos ah ugu buuxin doono booska weeraryahanka dhexe ee weerarka Arne Slot.
Inkasta oo Ekitike uu ku bilowday saddexda kulan ee ugu horreeyay Liverpool ee horyaalka Premier League, haddana imaanshaha Alexander Isak maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga ayaa ka dhigay in tababare Arne Slot uu wajaho go’aan adag marka kooxda dib ugu soo laabato garoomada iyadoo marti u ah Burnley usbuuca soo socda.
Laakiin isagoo la hadlayay saxaafadda Faransiiska galabnimadii Axadda, Hugo Ekitike ayaa ku adkaystay inuu si weyn u rajeynayo fursadda uu ugu tartamayo daqiiqadaha ciyaarta isagoo la loollamaya Alexander Isak iyo weeraryahanada kale ee Liverpool.
Waa wax xiiso leh. Marka aad u ciyaarayso kooxaha ugu fiican, waxaad filaysaa inaad la tartamayso ciyaartoyda ugu fiican,” ayuu Ekitike ku jawaabay markii la weydiiyay arin ku saabsan ku biirista isak ee Liverpool.
“Isak waa ciyaaryahan aan horey u daawan jiray, markaa imaanshihiisa wuxuu ii yahay farxad.
“Tartanku wuu adkaan doonaa, laakiin waxaan diiradda saari doonaa inaan si fiican u ciyaaro si ay dhib ugu noqoto tababaraha xulashada ciyaartoyda.”
Be the first to comment