Hug Ekitike Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Brighton.

Kooxda Liverpool ayaa gaartay guul qaali ah kaddib markii ay 2-0 kaga adkaatay Brighton, kulan ka tirsanaa wareegga 16-aad ee Premier League-ga Ingiriiska, kaas oo ka dhacay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa hoggaanka qabatay wax ka yar hal daqiiqo, iyadoo Hugo Ekitike uu dhaliyay goolka furitaanka, kaddib kubad uu difaac ka bixiyay ciyaaryahan Brighton ah oo gaartay Joe Gomez, kaas oo madax ku sii gudbiyay Ekitike, halkaas oo uu si qurux badan ugu dhaliyay saqafka goolka.

Xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa ciyaarta kusoo galay bedel ahaan daqiiqaddii 26-aad, kaddib dhaawac soo gaaray Joe Gomez.

Daqiiqaddii 61-aad, Liverpool ayaa dhalisay goolka labaad, markan mar kale waxaa saxiixay Hugo Ekitike, kaddib kubad karoos ah oo Mohamed Salah ka keenay laad gees ah, taas oo Ekitike uu madax ugu hubsaday shabaqa.

Guushan kaddib, Liverpool waxay dhibcaheeda gaarsiisay 26 dhibcood, iyadoo si ku-meel-gaar ah ugu jirta kaalinta lixaad, halka Brighton ay ku hakadeen 23 dhibcood, iyagoo si ku-meel-gaar ah uga jira kaalinta sagaalaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga