Marxaladda horyaalka ee Champions League xilli-ciyaareedka 2025/2026 ayaa markhaati ka noqotay fashil buuxa oo ku dhacay kooxaha horyaalka Talyaaniga, iyadoo aan hal kooxna si toos ah ugu soo bixin wareegga 16-ka, halka Napoli gebi ahaanba laga reebay tartanka.
Inter, Juventus iyo Atalanta ayaa dhammeystay marxaladda horyaalka iyagoo ka baxsan siddeedda kooxood ee ugu sarreeya, taas oo ku qasbeysa inay ciyaaraan wareegga kala baxa si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka tartanka champions League
Napoli ayaa lumisay fursaddii ay u soo bixi lahayd kaddib markii ay hoggaanka ku hayeen Chelsea ilaa daqiiqaddii 60-aad, iyagoo weli haystay rajo ay ku gaaraan playoff-ka, balse laba gool oo isku xigta oo uu dhaliyay João Pedro ayaa gebi ahaanba beddelay natiijada.
Warbixintu waxay tilmaantay in Napoli aysan wax guul ah ka gaarin kulamada ay martida ku ahaayeen tartanka, iyagoo ku dhammeystay marxaladda horyaalka kaliya siddeed dhibcood, iyadoo la caddeeyay in natiijooyinkii liitay ee hore ay ahaayeen sababta ugu weyn ee fashilka, halkii ay ahaan lahayd dhaawacyada sida ay qaar aaminsan yihiin.
Warbixintu sidoo kale waxay xaqiijisay in natiijooyinkan ay muujinayaan baahida ay kooxaha Talyaanigu u qabaan inay dib u eegaan istaraatiijiyadahooda Champions League, maadaama faahfaahinta yaryar iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ay yihiin farqiga u dhexeeya guusha iyo guuldarrada—cashar ay tahay in dhammaan kooxuhu bartaan ka hor kulamada soo socda.
Be the first to comment