
Kooxda Arsenal ayaa marti u noqonaysa kooxda Newcastle kulan ka tirsan premier League.
Arsenal ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u badin lahayd ugana faa’iidaysan lahayd guuldarada Liverpool.
Dhinaca kale Newcastle ayaa kulanka u soo galaya sidii ay u garaaci lahayd Arsenal.
Kulanka: Newcastle Vs Arsenal
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 6:30
Garoonka: St. James’ Park
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Newcastle United ayaa ku guuleysatay saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay ee ay garoonkooda ku wajahaan Arsenal dhammaan tartamada iyagoo aan wax gool ah laga dhalin, halka markii ugu dambeysay ee ay afar jeer oo xiriir ah Arsenal kaga badiyaan garoonkooda ay ahayd bishii Agust 1969.
Intii uu hogaaminayay Arteta, Newcastle ayaa ah kooxda 2-aad ee ay Arsenal kala kulantay guuldarada ugu badan iyaga oo laga badiyay 4 kulan.
Newcastle waxay shabaqooda nadiif ka dhigtay afar kamid ah shanta kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan Premier League, waxaana kaliya laga dhaliyay goolal kulankii ay 3-2 kaga adkaatay Liverpool. Si kastaba ha ahaatee, Magpies sidoo kale wax gool ah ma aysan dhalin saddex kamid ah shanta kulan ee ay ciyaareen ilaa hadda.
Be the first to comment