Hordhac: Crystal Palace Vs Chelsea: Blues Oo U Baahan Guul Kulanka Palace.

Kooxda Chelsea ayaa marti u noqonaysa kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay bilaa guul ahaayeen 3-dii kulan ee ugu dambaysay.

Kulanka: Crystal Palace Vs Chelsea

Taranka: Premier League

Wakhtiga:6:00

Garoonka: Selhurst Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Crystal Palace ayaan wax guul ah gaarin 15-kii kulan ee horyaalka iyo koobabka ay la ciyaartay Chelsea, hal barbaro iyo 14 guuldaro.

Bar-baraha ay Palace la gashay Chelsea Premier League ayaa ahaa kulan ka dhacay Stamford Bridge bishii September.

Blues ayaa badisay lix jeer oo xiriir ah oo ay booqatay Selhurst Park, iyagoo dhaliyay 14 gool mudadaas.

Chelsea ayaa guul la’aan ah saddex kulan oo Premier League ah (D1, L2) markii ugu horreysay tan iyo Sebtember 2023.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga