Hordhac: Bayern Munich Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Champions League.

Kulanka ugu xiisaha badan champions League todobaadkan ayaa dhexmari doona kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid.

Kulanka ayaa ka tirsan lugta 1-aad ee wareega Semi-final-ka champions League kaas oo ka dhici doona Allinz Arena.

Real Madrid ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay natiijo fiican ugula laaban lahayd garoonkeeda kulanku lugta dambe.

Dhinaca kale Bayern Munich ayaa kulanka u soo galaysa in ay guul ka gaadho kooxda Real Madrid.

Kulanka: Bayern Munich Vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 8:07

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa ah kulanka ugu ciyaarista badan taariikhda champions League/European Cup iyaga oo wada ciyaaray 26 kulan iyada oo 24 ka mid ah ka yimaadeen kulamada bug baxa ee tartanka.

Kulankan waa midkii 8-aad ee ay Bayern Munich iyo Real Madrid isku aadaan wareega Semi-final-ka tartanka.

Bayern Munich ayaa guul la’aan ah 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay Real Madrid la ciyaartay iyada oo laga badiyay 6 kulan mid kalena bar-baro la gashay.

Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Bayern Munich waana rikoodhkii ugu dheeraa ee guuldaro la’aana ee Bayern Munich tartanka champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga