Hordhac: Arsenal Vs Bayern Munich: Gunners Oo Rikoodh Xun Ku Leh Kulanka Bayern.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta Bayern Munich kulan ka tirsan champions League lugtii 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka.

Arsenal oo rikoodh xun ku leh kulan ay la ciyaarto Bayern Munich ayaa doonaysa in ay ka aarsato kooxda reer Germany.

Bayern Munich ayaa dhinaceeda doonaysa in ay sii waddo guulaha ay ku leedahay Arsenal tartanka champions League.

Kulanka: Arsenal Vs Bayern Munich

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Emirates.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Bayern Munich iyada oo looga badiyay 5/1 dhamaantood champions League.

Kulankan waa midkii 5-aad ee champions League ee ay Arsenal la ciyaarto Bayern Munich iyada oo kooxda reer Germany dhamaan u wada gudubtay wareega xiga dhamaantoodna ahaa wareega 16-ka.

Bayern Munich ayaa kaliya laga badiyay hal kulan 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxaha premier League la ciyaartay champions League iyada oo guuldaradaas ka soo gaadhay Man City xilli ciyaareedkii hore iyada oo Bayern dhamaan wada garaacday kooxaha reer London Arsenal, Tottenham iyo Chelsea.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee wareega 8 dhamaadka champions League tan ilaa 2009/2010 markaas oo ay guuldaro 6/3 kala kulmeen Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga