Heshiiskii Ay Arsenal Ku Doonaysay Mikel Merino Oo haki Ku Jiro

Da’da Mikel Merino ayaa si gaar ah looga hadlayaa iyada oo walaac laga qabo iyada oo Arsenal ay ku dhawdahay saxiixa xiddia ku guulaystay Euro 2024.

Xiddiga Real Sociedad, oo hadda ka caawiyay Spain inay ku guulaystaan Euro 2023 ayaa diirada u saaran kooxda Arsenal.

Merino oo horay ugu soo ciyaaray Arsenal ayay Gunners doonaysaa in ay ku xoojiso khadka dhexe ka hor bilaabasada xilli ciyaareedka cusub.

In ay raadiso xiddig 28 sano jir ah waa wax ku cusub Arsenal taas ayaana shaki galinaysa heshiiska sida laga soo xigtay wargayska Football.London.

Maamulka kooxda ayaa wal-wal weyn ka qaba in ay la soo saxiixdaan xiddiga 28 jirka ah maadama ayna siydaasada kooxdu dhigayn.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga