Heshiiska Uu Salah Ka Doonayo Liverpool Oo La Ogaaday.

Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa inuu raadinayo heshiis kordhin seddex sano ah haddii uu sii joogo Liverpool wax ka badan xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Masar, oo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2025, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay inuusan helin wax dalab ah oo ku aadan heshiis cusub, xilli uu ku dhow yahay sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa.

Maamulihii hore ee Goodison Park ayaa soo jeediyay in Salah, oo 36 jir noqon doona dhamaadka seddex sano oo dheeri ah, laga yaabo inuu isku dayo inuu cadaadis saaro milkiilayaasha Liverpool, Fenway Sports Group, si ay heshiis ugu soo bandhigaan.

Salah oo sanado badan ku sugnaa kooxda Liverpool ayaa muujiyay dareenkiisa kadib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Southampton 24-kii November.

Isagoo wareysi siinayay NBC Sports, wuxuu yiri, “Waxaan ku dhownahay December, mana aanan helin wax dalab ah oo aan weli sii joogo kooxda”.

Isagoo qandaraaskiisu dhacayo 2025, Salah ayaa hadda awood u leh inuu ka wada xaajoodo heshiis horudhac ah oo uu la galo kooxo ajnabi ah horaantii Janauary.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga