
Rajadii Arsenal ay ka qabtay saxiixa Joshua Kimmich oo ka tirsan Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay soo idlaatay, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka la sheegay inuu heshiis afka ah ka gaaray heshiis cusub oo uu la galay hogaamiyaasha Bundesliga.
Gunners ayaa la rumeysan yahay inay wadahadalo la yeelatay 30-jirkaan si ay qaab xor ah ula wareegto xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay markii hore Kimmich kala Laabatay Heshiis ay u Soo bandhigay xiddiga reer Germany.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa haatan Qarka u Saaran in uu Heshiis Cusub u saxiixo kooxdiisa si uu ula Sii joogo.
Warkan ayaa dhabar jab ku noqon doona kooxda Arsenal iyada oo u doonaysay in ay ku xoojiso khadka Dhexe ee kooxda.
Be the first to comment