Halyeeyga Arsenal Thierry Henry ayaa sheegay in ciyaarta Premier League ee ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda ay reer Waqooyi London wadaagaan ee Tottenham Hotspur ay noqon doonto mid xiiso leh.
Arsenal iyo Tottenham ayaa ku kulmaya garoonka Emirates Stadium kadib fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.
Henry ayaa dhaliil yar u jeediyay Spurs, isaga oo sheegay in kulankaasi uu noqon doono mid aad u soo jiidasho leh.
Kooxda Arsenal ayaa hogan u haysa horyaalka premier League halka ay Tottenham doonayso in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii guuldaro Iyo bar-baro kala kulmeen Man United Iyo Chelsea labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.
Spurs ayaa ku jira booska shanaad, waxayna heleen dhiirigelin ah in Mohammed Kudus uu kusoo laabtay kulanka ay la leeyihiin Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, waxay suuragal tahay inay waayaan Pape Matar Sarr, kaasoo dhaawac fudud ku qaaday waajibaadkiisa caalamiga ah.
Dhinaca Arsenal, Gabriel Magalhães ayay u badantahay in uu seego kulanka kadib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa.
Henry ayaa ku adkaystay in derbiga Waqooyi London uu noqon doono “mid xiiso leh”, isaga oo u sheegay Sky Sports:
“Anaga (Arsenal) si fiican ayaan u soconaa, laakiin Spurs weli khasaar kuma lahan guriga ka maqan. Marka kulanku wuxuu noqon doonaa mid xiiso leh. Aniguna waan joogayaa.”
Be the first to comment