Henry Iyo Lampard Oo La Sheegay In Ay Sabab U Noqon Karaan In Uu Salah Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool, Qaab Noocee Ah?.

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan inay jirto dhiirigelin weyn oo uu Mohamed Salah ku doonayo inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda, isagoo ka hadlayay guushii ay ka gaareen Chelsea.

Liverpool ayaa labo gool iyo hal gool ku badisay, iyadoo Mohamed Salah uu dhaliyay gool ku laad, waxaana uu caawiyay Curtis Jones goolkii labaad.

Carragher ayaa Ka hadlay rabitaanka Salah ee gooldhalinta marking uu noqday xiddiga 9-aad ee ugu goolasha badan taariikhda premier league.

Carragher ayaa hadaladiisa u sheegay BBC: “Mohamed Salah wuxuu isha ku hayn doonaa goolasha Thierry Henry iyo Frank Lampard.”

Wuxuu ku daray: “Waxaan u maleynayaa in goolashaas sabab u noqon doonaan in uu Salah heshiis cusub u saxiixo kooxda”.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga