Havertz Oo Bar-Barayn Kara Rikoodh Uu Dhigay Thierry Henry.

Weeraryahanka Arsenal Kai Havertz ayaa laga yaabaa inuu barbareeyo rikoorka gooldhalinta kooxda ee uu dhigay Thierry Henry marka ay Gunners la ciyaareyso Manchester City axada kulanka xiisaha badan ee Etihad.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay saxiixa Havertz markii ay Gunners kala soo wareegtay chelsea oo uu ku fashilmay in uu ku muujiyo tayadiisa.

Arteta ayaa markii hore khadka dhexe ku tijaabiyay Havertz halkaas oo uu si weyn ugu fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo.

Si kasta ha ahaatee Arteta ayaa weerarka ku celiyay xiddiga Havertz taas oo uu haatan ku muujinayo tayadiisa isla markaas qaab ciyaareed fiican ku jiro.

Xiddiga reer Germany ayaa goolal dhaliyay kulamada  Burnley, Newcastle United, Sheffield United, Brentford halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool oo kale.

Hadii uu xiddiga reer Germany gool dhaliyo kulanka Man City ee Axada waxa uu noqon doonaa kaliya xiddigii 2-aad ee gool dhaliya 5 kulan oo xidhiidh ah premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Xiddiga kaliya ee horay rikoodhkaas u sameeyay ayaa ah Halyeeyga Arsenal ee Henry kaas oo kooxda wacdaro ka dhigay Gunners.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga