Harvey Elliott Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya In Uu Ka Tagayo Kooxda.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Harvey Elliott ayaa ka jawaabay wararka la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Inta lagu jiro suuqa January.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Harvey Elliott ayaa ku adkeysanaya inuu doonayo inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa kooxda iyadoo la isla dhexmarayo inuu ka tagayo kooxda.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda suuqa January iyada oo kooxo badan oo premier League ah doonayaan saxiixiisa.

“Liverpool waa kooxdayda, Liverpool waa kooxdayda, waxaan doonayaa inaan u dagaalamo booskeyga kooxda”ayuu yidhi Elliot.

“Waxaan doonayaa inaan sameeyo waxa ay igu qaadato oo aan caawiyo kooxda marka ay suurtagal tahay, aniga ayay igu xiran tahay inaan dadaalo, shaqo adag adag qabto”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga