Hansi Flick ayaa sheegay in Raphinha uusan wax dhaawac ah kasoo gaarin kulankii Borussia Dortmund ee Champions League laakiin waxa uu dareemay kaliya daal.
Barcelona ayaa ku dhaw in ay xaqiiqsato wareega xiga ee champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Dortmund.
Kooxda ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta tartanka iyada oo 15 dhibcood ka heshay 18-dhibcood oo suurtogal ah, waxaana ka hadhsan laba kulan oo kaliya in ay ciyaaraan marxalada horyaalka, waxa la yaab noqon doonta hadii kooxda reer Spain ay si toos ah ugu soo bixi waydo wareega 16 ka.
Xiddiga Raphinha ayaa dhaawac uga baxay daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta sabab la xidhiidha xanuun uu ka dareemay kuraanta.
Laakiin Flick ayaa sheegay in aanu xiddiga reer Brazil soo gaadhin dhaawac.
“Raphinha ma dhaawacmin kaliya waxa uu dareemay daal”ayuu Flick yidhi.
27 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ilaa haatan soo bandhigay xilli ciyaareed cajiib ah 2024-25 isaga oo dhaliyay 17 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 gool kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment