Hansi Flick oo digniin culus u diray ciyaartoyda Barcelona ka hor kulanka Galatasaray

0

Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa ciyaartoydiisa uga digay inay dhayalsadaan Galatasaray, ka hor kulanka labada kooxood ee Talaadada, kaas oo ka tirsan wareegga labaad ee heerka horyaalka Champions League.

Sida ay baahisay warbaahinta Sport, Flick ayaa kulankan u arka mid muhiim u ah rajada Barcelona ee ay ku doonayso inay ku dhamaysato siddeedda kooxood ee ugu sarreeya tartanka, si ay fursad fiican ugu hesho u gudbidda wareegga xiga.

Advertisment

Tababaraha reer Jarmal ayaa qorshaynaya inuu kulanka Istanbul ku soo bilaabo shaxdiisa ugu xooggan, isagoo ixtiraam weyn u haya Galatasaray oo ay u ciyaaraan xiddigo ay ka mid yihiin Victor Osimhen iyo Leroy Sané, Flick ayaa kulankii Getafe nasiyey ciyaartoy muhiim ah sida Pau Cubarsí, Pedri iyo Fermín López, si ay u helaan nasasho kaddib waajibaadkii xulalka qaranka, isla markaana ay diyaar ugu noqdaan kulanka adag ee Turkiga.

Flick ayaa ciyaartoydiisa u sheegay in kulanka Galatasaray uusan ka fududayn ciyaartii ay Paris Saint-Germain kula yeesheen garoonka Parc des Princes. Wuxuu doonayaa in Barcelona ay si buuxda ugu diyaar garowdo jawiga adag ee Istanbul, si ay u sii waddo bilowgeeda wanaagsan ee Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here