Halyeeygii Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Arsenal iyo Manchester City ay yihiin labada kooxood ee ugu cadcad tartanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Carragher ayaa hadalkan ka sheegay Sky Sports, kadib markii kooxdiisii hore ee Liverpool ay 3-0 guuldarro ah kala kulantay Manchester City, City ayaa saddexda gool dhalisay qeybtii labaad ee ciyaarta, kadib markii Ryan Gravenberch uu qaatay kaarkiiisii labaad ee jaallaha ahaa, taasoo Liverpool ku reebtay toban ciyaaryahan.
Carragher ayaa saadaaliyay in Manchester City iyo Arsenal, oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka, ay si gaar ah ugu tartami doonaan hanashada Premier League.
Wuxuu sidoo kale dhaliilay dib u dhaca ku yimid go’aanka kama dambaysta ah ee laga gaarayo eedeymaha jebinta xeerarka dhaqaalaha ee Manchester City:- “Waxaan u baahanahay in arrintan sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro, sababtoo ah waxaan daawanaynaa ciyaar annagoo aan hubin waxa ay mustaqbalka ka dhigan tahay. Waxaan sidoo kale is weydiinaynaa inay wax saameyn ah ku yeelanayso Manchester City ama tartanka horyaalka ee ay Arsenal kula jirto,” ayuu yiri Carragher.
“Arsenal iyo Manchester City ayaa aad ugu sarreeya kooxaha kale. Waxaan ognahay inay yihiin labada kooxood ee ugu fiican, mana filayo in koox kale ay kula tartami karto horyaalka.”
Wuxuu intaas ku daray in ciyaar kasta ay muhiim tahay, balse xaaladda hadda jirta ay mugdi gelinayso macnaha natiijooyinka qaar kood.

