Halkee Ayuu Marayaa Tartanka Gooldhalinta Champions League.

Tartanka champions League ayaa dib u bilaabanaya iyada oo kooxaha ka qayb galaya ay doonayaan in ay dhamaystaan kulamada ka dhiman tartanka.

Xiddigaha ayaa sidoo kale doonaya in ay sii wadaan wacdarohooda tartanka champions League.

Xiddigah kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa ah xiddiga uGu goolasha badan tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Mbappe ayaa leh 9 gool ilaa haatan tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii la ciyaaray 6 kulan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland kaas oo leh 6 dhibcood ilaa haatan tartanka champions League.

Waxa ku xiga xiddiga Galatasaray ee Victor Osimhen isaga oo leh 6 dhibcood ilaa haatan tartanka champions League.

Dhinaca kale Xiddiga Newcastle ee Anthony Gordon ayaa leh 5 gool iyada oo ay la goolal yihiin xiddigaha Gabriel Martinelli Iyo Harry Kane.

Kylian Mbappe (Real Madrid) 9 Gool

Erling Haaland (Man City) 6 Gool

Victor Osimhen (Galatasaray) 6 Gool

Anthony Gordon (Newcastle) 5 Gool

Gabriel Martinelli (Arsenal) 5 Gool

Harry Kane (Bayern Munich) 5 Gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga