Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Baacsigii Man United Ee Matthijs de Ligt.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in u dhaqaaqistii kooxda Man United ee Matthijs de Ligt la hakiyay ilaa inta ay kooxdu xiddigo iska iibinayso.

Red Devils ayaa ku dhawaaqday imaatinka Joshua Zirkzee oo ka yimid Bologna isbuucii hore, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands uu noqday saxiixii ugu horreeyay ee kooxda.

Man United ayaa sidoo kale ku dhow inay u dhaqaaqdo Leny Yoro, iyadoo daafaca dhexe ee Lille uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda.

Kooxda Erik ten Hag ayaa sidoo kale si aad ah loola xiriirinayay De Ligt, iyadoo la sheegay in ay wadahadalo la yeelatay kooxda Bayern Munich si ay u hesho xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, wararka sheegaya inuu u wareegayo Old Trafford ayaa joogsaday 48-kii saac ee ugu dambeeyay iyada oo Man United ku dhaw saxiixa xiddiga Yoro.

Romano ayaa sheegay in ku biiristii De Ligt ee Man United in haatan la hakiyay isla markaas uuna dhamaad ku dhawayn ilaa kooxdu ay xiddigo badan iska iibinayso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga