Halkee Ayay Maraysaa Tartanka Gooldhalinta Ee Kabta Dahabka Ah Ee Reer Yurub.

Tartanka Gooldhalinta yurub ayaa meel xiiso leh maraysa iyada oo xiddigo badan ku tartamayaan sidii loogu caleemo saari lahaa abaalmarinta kabta dahabka ah.

Horyaalada ugu waaweyn ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo xiddigo badan ku tartamayaan gooldhalinta kabta dahabka ah.

Xiddiga Barcelona ee Lewandowski ayaa hogaaminaya gooldhalinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub.

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lewandowski ayaa ilaa haatan dhaliyay 12 gool horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Waxa ku xiga xiddiga Man City ee Haaland kaas oo dhaliyay 10 gool oo uu dhaliyay horyaalka premier League.

Waxa ku xiga xiddiga Eintracht Frankfurt ee Omar Marmoush kaas oo dhaliyay 9 gool horyaalka Bundesliga.

Halkan kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan tartanka Kabta dahabka ah ee gooldhlita yurub

Player Goals Points
Robert Lewandowski (Barcelona) 12 24
Erling Haaland (Man City) 10 20
Omar Marmoush (Eintracht Frankfurt) 9 18
Harry Kane (Bayern) 8 16
Mateo Retegui (Atalanta) 8 16
Marcus Thuram (Inter) 7 14
Bradley Barcola (PSG) 7 14
Cole Palmer (Chelsea) 6 12
Bryan Mbeumo (Brentford) 6 12
Kylian Mbappe (Real Madrid) 6 12

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga