
Manchester United ayaa u soo baxday inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixa Matheus Cunha xagaagan.
Red Devils ayaa horumar ka samaysay wadahadalada xiddiga Wolves waxana ay samaynaysaa talaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku dhamaystirayaan saxiixa xiddiga.
Cunha ayaa u ciyaaray kooxda West Midlands xilli ciyaareedkan, isagoo door muhiim ah ka qaatay dagaalkoodii ay u galeen in ay sii joogaan horyaalka premier League.
Waxa uu dhaliyay 16 gool, waxaana uu caawiyay afar gool tartamada oo dhan, oo ay ku jirto kubad laad xor ah oo uu ka dhaliyay Man United Axadii.
Wargayska Mirror ayaa soo bandhigay halka uu Cunha ka gali karo shaxda Man United hadii uu ku biiro kooxda.
Be the first to comment