
Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Dorgu kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Lecce.
Man United Iyo Lecce ayaa ka heshiiyay wax walba oo ku saabsan qiimaha xiddiga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxda.
United ayaa si weyn ugu dhibaatootay daafaca Bidix iyada oo xiddiga Luke shaw dhaawacyo badan soo gaadheen xilli ciyaareedkan.
Iyada oo haatan la sugayo in tijaabada caafimaadka la mariyo xiddiga waxa la soo saaray sida ay noqon karto shaxda Man United Iyo halka uu Dorgu ka gali karo shaxda kooxda.
Onana (GK) – De Ligt, Maguire, Martinez – Dalot, Ugarte, Mainoo, Dorgu – Fernandes, Amad, Hojlund.
Be the first to comment