Hadal Ka Xanaajinaya Taageerayasha Real Madrid Ka Hor Inta uuna Ku Biirin Oo Soo If Baxay.

Trent Alexander-Arnold ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid laakiin Barcelona ayuu ku Tilmaamay kooxdiisa 2-aad isla markaas jecelyahay.

Daafaca midig ayaa qandaraaska uu kula joogo Liverpool dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu u muuqdaa mid sii kordheysa inuu beeca xorta ah kaga tago, iyadoo Real Madrid ay rajeyneyso inay soo gabagabeyso heshiiska.

Alexander-Arnold ayaa si xoogan loola xiriirinayay kooxda reer Spain 18-kii bilood ee la soo dhaafay iyada oo aanay Liverpool ku Guulaysan in ay Heshiis Cusub ka saxiixato.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo 26-sano jirkaan la filayo inuu ka ciyaaro Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda, wuxuu soo jeediyay wareysi uu bixiyay 2020 in Barcelona ay tahay kooxda uu taageero marka Laga yimaado Liverpool.

“Waxaan dhihi lahaa kooxda kale ee aan jeclahay waa Barça,” Alexander-Arnold ayaa u sheegay GQ.

“Waxaan dareemayaa sida ay u leeyihiin wax la mid ah qiyamka iyo aaminsanaanta Liverpool.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga