Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqso badnaa taariikhda tartanka ee gaaray 100 gool.
Haaland wuxuu rikoodhkaas gaadhay markii uu goolka koowaad ka dhaliyay kulankoodii 5-4 ahaa ee ay Salaasadii kaga badiyeen Fulham.
Weeraryahanka reer Norway wuxuu u baahday keliya 111 kulan oo horyaalka ah si uu u gaaro boqolkaas gool.
Xiddiga 25-jirka ah ayaa hadda jebiyey rikoorkii hore ee uu hayay kabtankii hore ee Newcastle, Alan Shearer.
Shearer wuxuu u baahday 124 kulan oo horyaal ah si uu u gaaro 100 gool.
Ka hor inta uu shabaqa ka taabanin Fulham, Haaland wuxuu ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo saddexdii kulan ee uu hore uga hor yimid Newcastle, Bayer Leverkusen iyo Leeds.
Haaland’s 100 gool, 71 waxaa uu ku dhaliyay lugtiisa bidix halka 17 uu madax ku dhaliyay.
Be the first to comment