“Gyokeres Wuu Ku Bur-Burinayaa” Arteta Oo Digniin Diray Ka Hor Kulankooda Man United.

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa kooxaha Premier league uga digay weeraryahankiisa Cusub ee Viktor Gyokeres isaga oo sheegay in uu bur-burin karo.

Arteta ayaa hadlayay ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Athletic Club Sabtidii, ciyaar uu Gyokeres dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee kooxda.

Xiddiga reer Sweden ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal kadib karoos uu ka helay Martin Zubimendi.

Iyadoo diyaar garowga xilli ciyaareedka cusub uu dhamaaday, Arsenal ayaa hadda isku diyaarinays Kulankooda ugu horeeya ee Premier league ay la Ciyaari Doonto Man United.

Arteta ayaa hadda soo saaray digniin ku socota kooxaha ay isku xifaaltamaan ee horyaalka oo ku saabsan saxiixiisa Cusub.

“Wax kasta oo uu sameeyo waa dareen. Taasi waa sababta uu goolal badan u dhaliyay dhowrkii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay”.

“Waxa uu mashquuliyaa daafaca dhexe waa ciyaaryahan ku bur-burinaya hadii uu kugu helo kubada”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga