Gyökeres Oo Heegan Buuxa Galiyay Arsenal Iyo Man United.

Viktor Gyökeres ayaa doorbidaya u dhaqaaqista Premier League, wuxuuna soo dhaweynayaa dalabka Arsenal, sida laga soo xigtay wargayska Record.

Arsenal ayaa wali go’aan ka gaari doonta Benjamin Sesko iyo Gyökeres. Andrea Berta ayaa isla mar ahaantaana horumariyay labada heshiis.

Gyökeres waxa uu u furnaan lahaa Manchester United. Ma jirin diidmo rasmi ah, laakiin heshiis ilaa hadda weligii ma dhicin heer horumarsan, inkasta oo la soo jeediyay.

United ayaan wali si Rasmi ah ugu dhaqaaqin saxiixa xiddiga oo ka mid ah dookhyada weerarka ee ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga