Tababaraha Pep Guardiola ee Manchester City ayaa sheegay in guusha ay ka gaareen Arsenal ee koobka Carabao Cup aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin tartanka horyaalka Premier League.
Guardiola wuxuu aaminsan yahay in natiijadaas ay xitaa ka caawin karto Arsenal inay si ka sii wanaagsan u feejignaadaan marka ay booqdaan Etihad Stadium dhammaadka bishan.
City ayaa 2-0 ku garaacday Arsenal ciyaartii ka dhacday Wembley, iyadoo labada gool ay madaxyada ku dhaliyay ciyaaryahanka Nico O’Reilly qeybtii labaad.
Labada kooxood ayaa mar kale kulmi doona 19-ka April kulan ka tirsan Premier League.
Waqtigan xaadirka ah, Manchester City waxay 9 dhibcood ka dambeysaa Arsenal, iyadoo 8 kulan ay u harsan yihiin.
Guardiola wuxuu yiri:“Uma maleynayo in guusha Carabao Cup ay wax saameyn ah yeelan doonto
“Tani waa tartan kale, marka Arsenal ay yimaadaan Etihad, waxay noqon doonaan kuwo aad u feejigan. Ku guuleysiga horyaal waa mar walba adag, sidaas darteed waa farxad iyo guul lagu qanco.”
Be the first to comment