Guardiola: Hadii Ay Real Madrid Samayso Halkan Arin Kulanka Caawa, Arsenal Ha Ilowdo Ku Guulaysiga Champions League.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardoola ayaa ka hadlay kulanka adag ee ay kooxda Arsenal la ciyaarayso Real Madrid.

Arsenal ayaa caawa lugta 2-aad ee 8 Dhamaadka Champions League iyada oo la ciyaarayo kulan xiiso leh oo la wada sugayo.

Guardiola ayaa labada kooxoodba la ciyaaray waxana uu garanayaa tayadooda Iyo waxa ay samayn karaan.

Tababaraha Man City ayaa Arsenal uga digay in ay Real Madrid u diido in ay gool dhaliso daqiiqadaha ugu horeeya ee ciyaarta.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii Real Madrid ay gool ku dhaliso 20-ka daqiiqo ee ugu horeeya, Arsenal waa in ay iska ilowdo riyadooda ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan”.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ciyaarta ku hogaaminaysa 3/0 ay ku badisay lugtii hore ee wareega.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga