Guardiola: Wan La Hadli Doonaa Arteta Hadii….

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuu wici doono Mikel Arteta si uu ugu hambalyeeyo haddii Arsenal ay ku guuleysato horyaalka Premier League.

Guardiola ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, ka hor kulankooda garoonka Etihad ee ay la ciyaarayaan Wolves.

Wuxuu sheegay in Arteta uu mar walba ka mid ahaa dadka ugu horreeya ee u hambalyeeya marka Manchester City ay ku guuleysato horyaalka.

“Haddii Arsenal ay guuleysato, aniga ayaa noqon doona qofka ugu horreeya ee waca Mikel (Arteta) oo u hambalyeeya, sidii uu isaguna horey iigu sameyn jiray,” ayuu yiri Guardiola.

“Sidoo kale waxaan hambalyeeyay Arne Slot xilli-ciyaareedkii hore”

“Kaddibna annaguna waan horumari doonnaa annagoo koox ah.”

Arsenal ayaa haysa hoggaan toddobo dhibcood ah oo ay ka sarreyso Manchester City marka la galayo kulamada toddobaadkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga