Guardiola Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Premier League.

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuu rajeynayo in Arsenal dhawaan laga dhaliyo goolal.

Guardiola ayaa hadalkan ka sheegay kadib guushii ay kooxdiisu 3-1 kaga adkaatay Bournemouth Axaddii.

Erling Haaland ayaa labo gool dhaliyay, taasoo keentay in City ay farqiga dhibcaha kala dhexeeya Arsenal hoos ugu dhigto lix dhibcood.

Arsenal ayaa muujisay qaab ciyaareed cajiib ah maalmahan, waxaana wali aan laga dhalin gool toddobadii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Markii la weydiiyay haddii kooxdiisu ay dareemayso fursad ay ugu tartami karto horyaalka, Guardiola wuxuu ku jawaabay:

“Waan rajeynayaa, in Arsenal maalin uun laga dhaliyo hal gool. Ma fududa in laga dhaliyo. Waa kaliya 10 kulan oo la ciyaaray, welina 28 kulan ayaa harsan — waxyaabo badan, aad u badan ayaa dhici doona.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga