Guardiola Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Haaland Ka Maqnaan Doono Garoomada.

Manchester City waxay filaysaa in Erling Haaland uu garoomada ka maqnaan doono inta u dhaxaysa “shan ilaa todoba toddobaad”, sida uu qabo Pep Guardiola.

Weeraryahanka ayaa la sheegay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo dhowr todobaad ah kadib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray dhamaadkii Isbuucaan intii lagu guda jiray guushii ay ka gaareen kooxda Bournemouth ee wareega 8da FA Cup.

Haaland waxay isku dhaceen Lewis Cook, wuxuu isku dayay inuu sii wato ciyaarta laakiin wax yar ka dib ayaa ciyaarta laga saaray.

Bayaan ka soo baxay City oo la soo saaray fiidnimadii Isniinta ayaa lagu xaqiijiyay in Haaland uu arki doono khabiir takhasus leh si loo ogaado xaaladiisa dhaawac Iyo mudada uu ka maqnaan doono.

Markii la weydiyay warar dheeraad ah Guardiola ayaa yidhi”Dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inta u dhaxaysa shan ilaa toddobo toddobaad, markaa waxaan rajeynayaa dhamaadka xilli ciyaareedka iyo Koobka Adduunka inuu diyaar noqon doono.”

Arintan ayaa la macno ah in Haaland seegi doono Semi-final-ka FA Cup-ka ee Nottingham Forest kaas oo la ciyaari doono dhamaadka Bishan April.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga