Guardiola Oo Shaaciyay Dhibaato Uu Haaland Wajahayo Ka Hor Kulanka Man United.

Pep Guardiola ayaa maamulaya daqiiqadaha Erling Haaland iyadoo Manchester City ay ka walaacsan tahay taam ahaanshaha weeraryahankeeda ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Haaland ayaa la bedelay qeybtii nasashada labadii kulan ee saaxiibtinimo ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen AC Milan iyo Barcelona halka kuwa kale la siiyay waqti dheer.

City ayaa sabtida wajihi doonta Manchester United kulan ka tirsan Community Shield ka hor inta aysan bilaaban difaacashada premier League kulan ay la ciyaarayso chelsea.

“Erling raaxo ma dareemayo”ayuu Guardiola yidhi.

“Ma dooneyno inaan halis galno. Laakin ha dhawaato ama ha dheeraato waa inuu tilaabo ku qaadaa tababarka iyo daqiiqadah.”

“Xilli ciyaareedka waa la gaadhay waxa uu ka dhibaatoonayaa muruqa ma doonayo in aan halis galino oo isla markaas lumino 3 todobaad ama bil taasi dhibaato ayay noqon doontaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga