Tababaraha Pep Guardiola ee Manchester City ayaa Arsenal ku daray saddexda koox ee ugu fiican Yurub, inkastoo uu 2-0 kaga adkaaday final-ka EFL Cup Final Axaddii.
Nico O’Reilly ayaa dhaliyay labo gool oo madax ah qeybtii labaad, taas oo City siisay koobkoodii ugu horreeyay xilli ciyaareedkan.
Kulanka kadib, Guardiola ayaa ka hadlay qanacsanaantiisa guusha uu ka gaaray kooxda Mikel Arteta.
Wuxuu yiri:
“Anagoo la mid ah Bayern Munich iyo laga yaabee Barcelona, waxaan wajahney mid ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub. Waxay nagu cadaadiyeen 15-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, laakiin kadib waxaan bilownay inaan ku guuleysano kubbadaha labaad.
“Antoine Semenyo aad buu u fiicnaa qeybtii hore, qeybtii labaadna Jérémy Doku, waxaana helnay Rodri iyo Bernardo Silva meelihii aan u baahnayn.
“Waxaan helnay guul cajiib ah. EFL Cup ma aha sida Premier League ama UEFA Champions League, laakiin guul laga gaaro kooxdaas waxay ka dhigeysaa koob gaar ah.”
Be the first to comment