Guardiola Oo Ku Digtay Arsenal Ka Hor Kulanka Liverpool Vs Man City.

Maareeyaha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa xusuusiyay kooxda Arsenal inaysan ahayn horyaalka Premier League ee hadda jira.

Guardiola ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ka horreeyay kulanka weyn ee Super Sunday ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Liverpool garoonka Etihad.

Arsenal ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Sunderland, taas oo ka dhigan in ay hadda kaliya lix dhibcood ka sarreyso kooxda kaalinta labaad ee Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay sii haysataa faraq todobo dhibcood ah oo ay ka horeeyaan Manchester City, iyagoo sidoo kale siddeed dhibcood ka sarreeya Liverpool, oo ah kooxda difaacanaysa horyaalka.

Inkasta oo Guardiola uu qirtay in Arsenal ay u muuqato “koox aan la rumeysan karin,” hadana wuxuu adkeeyay in tartanka horyaalku uusan weli dhammaanin.

Guardiola ayaa yiri:

“Axadda waxaan la ciyaaraynaa, hadda, kooxda horyaalka ah.”

Wuxuu raaciyay:

“Arsenal ma ahan horyaalka, horyaalka waa Liverpool. Waxay halkan u imaanayaan inay difaacaan cinwaanka. Annaguna waannu soo marnay taas”

“Waa fursad aan isku muujin karno marka aan wajahayno horyaalka Premier League ee ugu dambeeyay, si aan u aragno heerkeenna, waxaana si weyn ugu faraxsanahay ciyaartan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga