Gordon, Rodri, De Jong, Sterling, Merino Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab kale ka gudbiso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Everton ee Jarrad Branthwaite kadib dhaawacii soo Leny Yoro (Sun).

Kooxda Man City ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Rodrygo kaas oo ay u aragto badalka mustaqbalka Julian Alvarez (GiveMeSport).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Liverpool ee Caoimhin Kelleher (The Sun).

Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Sociedad ee Mikel Merino (Fabrizio Romano).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea ee Raheem Sterling (Gianluca Di Marzio).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la bilowday daafaca Mario Hermoso kaas oo ay doonayso in ay qaab xor ah ku hesho saxiixiisa (Maximo de la Cruz Ramirez).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Man United ee Diogo Dalot (GiveMeSport).

Kooxda Man United ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga khadka dhexe ee Manuel Ugarte waxana ay dareenkooda u jeediyeen xiddiga Barcelona ee Frenkie De Jong (Manchester World).

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Man City ee Rodri (Defensa Central).

Liverpool ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Newcastle ee Anthony Gordon (Liverpool Echo).

Hansi Flick ayaa weydiistay Barcelona inay iska iibiso todoba ciyaartoy oo kooxda koowaad ah – Inigo Martinez, Clement Lenglet, Ferran Torres, Raphinha, Vitor Roque, Pablo Torre iyo Ansu Fati (El Nacional).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga