Liverpool iyo Tottenham ayaa ka mid ah kooxaha doonaya inay ku biiraan kooxaha sida Manchester United iyo Manchester City wareega shanaad ee FA Cup todobaadkan.
Kooxda heysata United ayaa 2-1 ku garaacday Leicester habeenkii jimcaha iyadoo uga mahadcelineysa guushu muran dhaliyay daqiiqadii ugu dambeysay.
Man City ayaa dhinaceeda guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Leyton Orient.
Hadaba halkan waxa aad kaga bogan kartaa wakhtiga la samayn doono isku aadka wareega ee tartanka.
Goorma ayaa la samayn doonaa isku aadka wareega 5-aad ee FA Cup.
Isku aadka wareega shanaad ee FA Cup-ka waxa uu dhacayaa 10 fiidnimo habeenka Isniinta, February 10, 2025.
Be the first to comment