Goorma Ayuu Cyaari Riccardo Calafiori Ciyaari Doonaa Kulanka Ugu Horeeya Ee Arsenal.

Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay wakhtiga uu saxiixa cusub ee kooxdiisa Riccardo Calafiori ciyaari doono kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal.

“Waxaan ku qasbanaay inaan maamulno isaga,” ayuu yiri Mikel Arteta markii la weydiiyay sababta Riccardo Calafiori uusan ugu ciyaarin Arsenal kulankii saaxiibtinimo ee Lverool.

“Waxa soo maray 48 saacadood oo aad u mashquul ah ka hor inta uuna halkan noogu iman”ayuu yidhi.

Markii la weydiiyay marka Calafiori uu ugu dambeyntii ciyaari karo, Arteta ayaa ku jawaabay: “Weli ma uusan la tababaran kooxda waa in uu la qabsado kooxda”.

“Waxa aan haysanaa wakhti badan oo aan arki doono isaga oo ciyaaraya”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga