Goorma Ayay Liverpool Ku Guulaysan Kartaa Premier League Kadib Guushii Leicester City.

Liverpool ayaa qaaday tillaabo kale oo ay ku hananeyso horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay guul adag ka gaartay Leicester City.

Garoonka King Power Stadium ayaa Marti galiyay kulanka dhexmaray labada kooxood kulan ka tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa guul dirqi ah ku gaadhay 1-0, waxaana goolkan u dhaliyay Trent Alexander-Arnold oo badal ku soo galay.

Kooxda Liverpool ayaa sare u kacday 79-dhibcood,waxana ay kaalinta koowaad kaga jiraan kala sareynta horyaalka Premier League,waxana ay 12-dhibcood ka sareeyaan kooxda Arsenal oo 4-0 ku xasuuqday kooxda Ipswich Town.

Goorma ayay Liverpool ku guulaystan karto Horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa kaliya u baahan 3 dhibcood oo dheeri ah si ay u xaqiijiso hanashada horyaalka Premier League 2024/25, waana markii 20-aad ee taariikhda kooxda.

Haddii Liverpool ay badiso kulankanka Soo socda kooxda Arne Slot ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa horyaalnimada xilli ciyaareedkaan ee Premier League, iyadoo aan loo eegin natiijo kasta oo ay Arsenal gaarto.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga