
Liverpool ayaa qaaday tillaabo kale oo weyn oo ku aadan hanashada horyaalka Premier League ka dib markii ay ka badisay Man City.
Arsenal ayaa dhinaceeda caawisay Liverpool waxana ay guuldaro kala kulantay kooxda West Ham.
Waxa ay Liverpool ka dhigeysaa in ay hogaanka horyaalka ku hayaan 11-dhibcood isla markaana ay ugu cad caddahay hanashada horyaalka premier league.
Arsenal ayaa Hal kulan baaqi u Haysata kaa soo gurigooda ku imaan doona Chelsea bisha soo socota marka ay Liverpool ciyaareyso finalka Carabao Cup.
Todobo ka mid ah 11-ka kulan ee Liverpool u hadhsan tahay Premier League waxay ku ciyaari doontaa Anfield waxana ku Jira kulanka ay la ciyaari doonto Arsenal.
Goorma ayay Liverpool ku guuleysan kartaa horyaalka Premier League?
Arsenal ayaa 12 kulan u hadhsan tahay in ay ciyaarto horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa ay gaadhi kartaa ugu badnaan 89 dhibcood.
Hadii ay Arsenal isku daydo in ay guulo xidhiidha ah gaadho Liverpool ayaa u baahan 26 dhibcood ama in ay 9 kulan badiso 11 kulan ee u dhiman Premier League.
Sida ay hadda tahay, haddii labada kooxoodba ay badiyaan kulan kasta labada bilood ee soo socda guusha 9-aad ee Liverpool ayaa noqon doonta Arsenal waxana ay si Cajiib ah ku Soo xidhaysaa Horyaalka.
Si kasta ha ahaatee hadii ay Arsenal dhibco lumisay kulamada socda Liverpool ayaa ku Guulayana doonta Horyaalka ka Hor Kulanka labada kooxood.
Be the first to comment