
Liverpool ayaa u muuqata mid kuwo ku Guulaysanaya premier league kadib natiijooyinkii dhacay todobaadyadii ugu dambeeyay ee tartanka.
Reds ayaa 2-0 kaga badisay Manchester City ciyaar ka dhacday Etihad Stadium waxayna guushaas timid 24 saac ka dib markii Arsenal ay guuldarro lama filaan ah kala kulantay West Ham garoonkooda.
Waxa ay Liverpool ka dhigtay in ay 11 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka iyo kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan karta horyaalka xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Slot.
Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa Talaadadii ku adkeystay inuusan waligiis ka quusan doonin ku guuleysiga horyaalka, laakiin xitaa taageeraha Arsenal ayaa lumin doona rajada ka dib natiijooyinka bartamaha isbuucaan.
Iyadoo Liverpool ay 2-0 kaga badisay Newcastle, oo uu ka maqnaa xiddigeeda Alexander Isak, Arsenal ayaa mar kale dhibco lumisay tartanka Premier League iyaga bar-baro la galay Nottingham Forest.
Farqiga ayaa hadda taagan 13 dhibcood.
Arsenal ayaa kulan u Haysata baaqi iyaga la ciyaari doona Chelsea maalinta ay Liverpool la ciyaari doonto Newcastle Final-ka Carabao Cup-ka.
Goorma ayay Liverpool ku guuleysan kartaa horyaalka Premier League?
Arsenal ayaa 11 kulan u hadhsan tahay in ay ciyaarto horyaalka Premier league xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa ay gaadhi kartaa ugu badnaan 87 dhibcood.
Marka ugu horeysa ee Liverpool ay qaadi karto horyaalka waa April 5, markaasoo Liverpool ay Liverpool la ciyaarayso kooxda Fulham.
Be the first to comment