Isku aadka wareegga Quarter-Finalka ee FA Cup ayaa la qaban doonaa goor dambe maanta, iyadoo kooxaha haray ay ogaan doonaan cidda ay la ciyaari doonaan.
Arsenal FC ayaa sii nooleysay rajadeeda ku guuleysiga afar koob (quadruple) kadib markii ay si dirqi ah uga adkaatay Mansfield Town dhammaadkii usbuuca.
Dhanka kale, kooxaha kale ee ka ciyaara Premier League sida Chelsea ayaa u Gudubtay Wareega 8 Dhamaadka
Kooxaha Manchester City, Liverpool FC iyo Leeds United ayaa u soo baxay wareegga xiga ee FA Cup.
Dhanka kale, West Ham United ayaa la ciyaari doona Brentford habeenka Isniinta, waana kulanka ugu dambeeya ee wareegga shanaad. Mid ka mid ah labadaas kooxood ayaa ku biiri doona kooxaha kale ee hore u soo baxay.
Waxaa sidoo kale wareegga xiga gaaray:
Southampton FC (Championship) Port Vale (League One), kuwaas oo ka reebay Sunderland AFC Axaddii.
Goorta la qabanayo isku aadka Quarter-Finalka
Isku aadka Quarter-Finalka FA Cup waxaa la qaban doonaa Isniinta 9 March 2026 qiyaastii 7:05 fiidnimo (GMT), waxaana si toos ah looga qaban doonaa London Stadium ka hor kulanka West Ham iyo Brentford.
Isku aadka waxaa qaban doona goolhayihii hore ee West Ham Joe Hart, halka ay daadihinayaan Darren Fletcher iyo Ally McCoist.
Lambarrada isku aadka
Southampton FC
Port Vale
Manchester City
Leeds United
Arsenal FC
Liverpool FC
Chelsea FC
West Ham United ama Brentford
Goorta la ciyaarayo Quarter-Finalka
Kulamada Quarter-Finalka FA Cup waxaa la ciyaari doonaa usbuuca dhammaadkiisa Sabtida 4 April 2026, iyadoo koox walba rajaynayso inay ku guuleysato tartanka koobka ugu da’da weyn kubadda cagta adduunka. ⚽
Be the first to comment