Goorma Ayaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Wareega 16-ka champions League

Arsenal, Liverpool iyo Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha xiisaynayay daawashada heerka 11-aad ee wareega 16ka Champions League.

Qaabka wajiga cusub ee horyaalka, sideeda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu soo gudbay wareega 16-ka waxayna ka fogaadeen in ciyaaraan kulamo is reeb-reeb ah.

Dhanka kale kooxihii ku dhamaysatay 9-aad ilaa 24-aad ayaa ciyaaray todobaadkan.

16 kooxood ayaa ka soo bixi doona kooxaha ka qayb galaya kulamada Is reeb-reebka.

Hadaba waa goorma isku Aadka Wareega 16-ka champions league.

Goorma ayaa la samayn doonaa isku aadka wareega 16 -ka champions League.

Siddeeda kooxood ee ugu sareysa wareega 16ka ee tartanka ayaa wajihi doona 8-da ku soo guulaysta isreeb reebka wareega 16ka.

Isku aadka 16-ka champions League ayaa la samayn doonaa Jimcaha Febraayo 21, 2025 saacadu markay tahay 2:00 duhurnimo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga