Go’aanka Salah Ee Ka Tagista Liverpool Oo La Ogaaday.

Mohamed Salah ayaa si aad ah u doonaya in uu sii joogo Liverpool wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan isaga oo xitaa dhinac kale kala hadlin heshiiska xorta ah xagaaga, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Qandaraaska Salah ee haatan wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, wax horumar ayna lagama gaadhin wadahadaladii ku saabsanaa kordhinta, inkastoo uu xiddiga Masar isku dayay inuu cadaadis ku saaro Liverpool si ay u horumariyaan dalabkooda.

Si kastaba ha ahaatee, sida Laga Soo xigtay majalada Telefoot, Salah ayaa kaliya diirada saaraya  sidii uu Heshiis Cusub ugu Saxiixi lahaa kooxda Liverpool walina koox kale kalama hadlin Mustaqbalkiisa.

Tababaraha Liverpool Arne Slot ayaa ku adkaystay in rabitaanka kooxda ee ah in Salah uu yahay mid “cad” laakiin wadahadaladii ku saabsanaa kordhinta ayaa noqday dhibaato, iyadoo wararka xanta ah ay soo jeedinayaan in Reds ay ka cago jiideyso inay dhaqaale weyn siiso Salah xilli uu ku dhow yahay dhalashadiisa 33aad.

Salah ayaa ku Jira qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ilaa haatan ku lug leh 40 gool premier league oo kaliya.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga