GO’AAN CULUS: Mishiinka Real Madrid Oo Ee Hawlgabka Ka Noqday Ciyaaraha Caalamiga Ah Oo Dib Usoo Laabanaya

Waddanka Geramny waxa ka jirta farxad weyn oo ah in uu dib usoo laabanayo xiddigooda khadka dhexe ee Toni Kroos ee hore uga fadhisitay ciyaaraha caalamiga ah, kaas oo go’aansaday in uu dib ugu soo laabto xulkiisa oo uu u ciyaaro tartanka Euro 2024 ee lagu qabanayo dalkiisa.

Toni Kroos oo halbowle u ah Real Madrid, isla markaana bandhiggiisii ugu sarreeyey muujiyey intii ay dhaawacnaayeen Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga, isaga oo ka garab ciyaaray Fede Valverde, ayaa waxa uu go’aansaday in uu mar kale xidho garanka xulka dalkiisa.

Sannadkii 2021 ayuu Toni Kroos ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu ka maqnaa Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar sannadkii hore ee ay ku hadheen marxaladda hore, balse sida uu qoray wargeyska Relevo, Toni Kroos ayaa waxa ay wada-hadallo u socdaan xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa, waxaana suurtogal ah in uu kusoo laabto xulkiisa oo uu ciyaaro tartanka ay martigelinayaan.

Antonio Rudiger ayaa dhowaan u sheegay warbaahinta DAZN Germany in uu isku dayayo inuu ku qanciyo Kroos in uu ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo uu dalkiisa caawiyo, inkasta oo illaa hadda aanu ku guuleysanin.

Relevo waxa uu intaa ku daray, in hore aanay Toni Kroos qorshihiisa ugu jirin inuu kusoo laabto ciyaaraha caalamiga ah balse ay socdaan dedaallo ku riixaya inuu beddelo go’aankiisii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga