Gerard Piqué Oo Magacaabay 4-ta Kooxood Ee Ugu Fiican Yurub Oo Halis Ku Ah Hamiga Barcelona Ee Champions League.

Halyeeyga Barcelona Gerard Piqué ayaa magacaabay afar kooxood oo aad u awood badan oo uu aaminsan yahay inay tartan adag ku noqon karaan Blaugrana xilli-ciyaareedkan UEFA Champions League.

Piqué wuxuu sheegay in kooxahaas ay yihiin Arsenal, Paris Saint-Germain (PSG), Bayern Munich iyo Real Madrid.

Isagoo la hadlayay Moeve Futbol Zone  ayaa xiddiga Isbaanishka la weydiiyay fursadaha Barcelona ee ku guuleysiga Champions League-ga.

Piqué wuxuu yiri: “Yurub gudaheedna? Haa, maxaa diidaya? Waa cadahay in ay jiraan kooxo aad u xoogan oo haatan Yurub ka jira, waxayna u muuqataa in goor dhow ama goor danbe ay ku dhammaan doonaan inay ku guuleystaan Champions League-ga.

“Arsenal tusaale ahaan, ama PSG oo hanatay xilli-ciyaareedkii hore. Intaas waxaa dheer Real Madrid iyo Bayern, oo aan u maleynayo inay kor u qaadeen heer ciyaareedkooda tan iyo markii uu Kompany yimid, sidaas darteed way adkaan doontaa.”

Barcelona waxaa laga reebay Champions League-ga wareegga afar dhammaadka (semi-final) xilli-ciyaareedkii hore kadib markii ay Inter Milan kaga adkaatay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga