Gavi oo ka hadlay dhaleeceynta loo jeediyo: “haddii ay iyagu faraxsan yihiin, aniguna waan faraxsanahay”

0

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa ka hadlay dhaleeceynta mararka qaar loo jeediyo, isagoo sheegay in hadallada dadka aysan si weyn u saameyn.

Gavi ayaa sheegay in dadka ugu muhiimsan isaga kubadda cagta ay yihiin saaxiibbadiis kooxda, tababarayaasha iyo taageerayaasha, isagoo tilmaamay in farxaddooda ay isaga muhiim u tahay:- “Dhaleeceyntu, si daacad ah, wax badan iima saameyso, Dadka muhiimka ii ah kubadda cagta waa saaxiibbaday kooxda, tababarayaasha iyo taageerayaasha. Haddii ay iyagu faraxsan yihiin, aniguna waan faraxsanahay.”

Advertisment

Ciyaaryahanka Barcelona ayaa sidoo kale xusay in qof walba uu xaq u leeyahay inuu yeesho aragtidiisa, maadaama dhaleeceyntu ay qayb ka tahay nolosha kubadda cagta:- “Dadku  xor ayey u yihiin inay fikradooda dhiibtaan, laakiin tani waa qayb ka mid ah kubadda cagta.”

Gavi ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay MH, isagoo muujiyay inuu diiradda saarayo kooxda, tababarayaasha iyo taageerayaasha halkii uu ka mashquuli lahaa dhaleeceynta dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here