Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona, Gavi, ayaa sheegay inuusan dan ka lahayn haddii Vinícius Jr uu ka maqnaado kulanka El Clásico ee ay wajahayaan Real Madrid.
“Vinícius Jr ma ciyaarayo? Waxba igama gelin. Waa Real Madrid, ugu dambayna waxaan garoonka ku bixin doonaa wax kasta oo aan awoodo,” ayuu yiri Gavi.
Xiddiga reer Spain ayaa intaas ku daray in inkastoo uu ciyaartoyda qaarkood ka jeclaan karo kuwa kale, haddana marka garoonka la joogo uusan midkoodna jeclayn, maadaama ay dhammaantood yihiin koox ka soo horjeedda.
Hadalka Gavi ayaa muujinaya sida uu ugu diyaarsan yahay kulanka weyn ee El Clásico, isaga oo xoogga saaraya tartanka iyo doonista guusha Barcelona.

