Gary Neville Oo Tilmaamay Waxa Ka Maqan Chelsea Ee Ka Caawin Kara Ku Guulaysiga Premier League Hadii Ay Iska Xaliyaan.

Gary Neville ayaa magacaabay hal shay oo chelsea ka maqan iyo saxiixa uu aaminsanyahay in ay u baahanyihiin in ay sameeyaan si ay ugu tartamaan premier League.

Tan iyo markii uu qabtay xilka macalinimo bishii June, Enzo Maresca ayaa wacdaro ka dhigay Chelsea, isagoo ku hogaamiyay afar guul iyo labo barbaro todobadii kulan ee ugu horeysay Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, rekoodhkiisa cajiibka ah ayaa soo gaadhay galabnimadii Axada iyada oo kooxdiisu ay guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Liverpool kulan ka dhacay Anfield.

Kadib natiijadii, khabiirka Sky Sports ee Neville ayaa soo jeediyay saxiixa ay Chelsea u baahan tahay inay sameyso haddii ay rajo ka qabaan inay u tartamaan horyaalka Premier League mustaqbalka dhow.

Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib podcast-ka Gary Neville, khabiirku wuxuu yiri: “Ma doonayo inaan farta ku fiiqo Nicolas Jackson, sababta oo ah waxa uu ka qayb noqon karaa kooxda chelsea oo guulaysata”.

“Waxan u malaynayaa haddii uu ka garab ciyaarayo weeraryahan halis ah waxa uu kooxda Chelsea ka caawin kartaa ku guulaysiga horyaalka sanadaha dhaw ee soo socda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga